Ka mid noqo akhristayaasha Mahuraan si aad u dhistid caafimaadkaaga iyo xooggaaga.
Haddii aad gaadhay ama ku dhowdahay 40 sano, sidayda oo kale, waxaad gashay da’da ay dad badani bilaabaan in ay si dhab ah uga fekeraan caafimaadkooda nafeed iyo jireed — iyo sida ay si xikmad leh ugu maareyn lahaayeen cimrigooda inta uga hartay.Mahuraan waa dhambaal toddobaadle ah oo kaa caawinaya sidii aad u heli lahayd nolol cimridheer oo ku qotonta jir iyo naf caafimaad qaba.Waxaan kula wadaagi doonaa casharro macne iyo ficil ahaanba wax ku ool ah, oo ku dhisan cilmibaaris, tijaabo, iyo xaqiiqooyin la hubo.
Ku biir Mahuraan si aad isbuuc kasta u hesho dhambaallo iyo agab kale oo kugu dhiirrigeliya in aad noolaato nolol cimridheer oo ku dhisan caafimaad, xoog, iyo maskax fayow.
Qof kasta cimrigiisa waxaa soo marta waqti ay isbeddelaan waxyaabaha mudnaanta u leh noloshiisa. Halka uu barigii hore ka dooni jiray kororsi ama badsi adduunyo, waxaa muhiimad weyn yeesha caafimaadka, deggenaanta, iyo qanaacada nolosha.In badan oo innaga mid ah, isbeddelkaas waxuu ku yimaadaa da’da u dhexeysa 35 ilaa 45. Waxaa kugu bilowda xanuunno kaa gala qaybo ka mid ah jirka sida kala goysyada iyo dhabarka. Waxaa kugu bilowda jilbo xanuun aad dareentid xilliga rukuucaha salaadda, foorarka oo ku dhiba, hurdada oo kaa xumaata, cuntada oo ku dhibta, iyo in kale oo badan.Markaas baad waxaad garowsataa in xoogga iyo firfircoonidu aysan ahayn wax waaraya, balse ay yihiin wax u baahan daryeel iyo joogteyn.Dhanka kale, waxaa jira cilmi-baarisyo badan oo muujinaya in dadka gaara da’da 40-ka iyo wixii ka dambeeya, ay u badan tahay in ay la noolaadaan xanuunno aan ka tageyn dhakhtar kasta oo ay u tagaan iyo daawo kasta oo ay qaataan.In aan ka mid ahay dadka jira da’daas, khibradna u leeyahay la noolaanshaha iyo maareynta isbeddelladaas, ayaa igu dhalisay in aan qoro Mahuraan. Waxaan ku soo gudbiyaa cilmibaarisyo iyo tijaabo nololeed isku dhafan oo ku saabsan sida loo noolaado nolol cimridheer oo ay baaritaarayaan jir iyo naf caafimaad qaba, maskax fayow, iyo nolol qorshe leh.Si aad dhambaallada Mahuraan iyo agabyo kale oo kaa caawinaya sidii aad u noolan lahayd nolosha aad u qalintid, fadlan ka mid noqo akhristayaashayda.
Waxaad naga la socon kartaa: